Biyo-Xireenka Faanoole waxay Soomaaliya kula heshiisay inuu Midowga Soofyeeti u dhiso biyo-xireen weyn goobta Faanoole oo Jilib (Jubbada Dhexe) ah sannadkii 1974.
Faanoole waxay ku taallaa 22 km waqooyiga magaalada Jilib. Markay Soomaaliya qaadatay Hantiwadaaga Cilmiyaysan sannadkii 1970; ka gadaalna fulisay barnaamijyaddii Hanti-wadaagga iyo Shuuciyadda, kalsoonidii Midowga Soofyeeti wuu kobcay – Waxay ku dhawaaqeen inay Soomaaliya u dhisayaan Biyo-xireen weyn oo koronto badan dhalin kara; biyo badan kaydin kara iyo waraabin kara dhul-beereed aad u ballaaran.
Sawirka Dhismaha Biyo-Xireenka Faanoole

Sannad kii 1977 ayaa xiriirka labada dowladood kala go’ay. Ka dib China ayaa mashruucii la wareegtay oo dhistay Biyo-Xireenkii inta badan la sugayay.
- 1963- 1973: Raadinta maalgeliye iyo farsamo-yaqaano. Mashruuca waxaa curiyay allah ha u naxariistee Prime Minister Cabdirashid Cali Sharma-arke, wuxuuna qaatay waqti faro badan helidda dad naga kaalmeeya.
- 1974 – 1977: Midowga Soofyeeti oo daraasaad sammeeyay, markii MW Siyaad Barre uu kula heshiiyay inay ay biyo-xireen weyn sida Saddal Caali u dhisaan Soomaaliya.
- 1978 – 1982: Markuu Raashka baxay, waxaa timid China oo dhistay biyo-xireen yar (4.6 MW + kanaal 52 km ah oo waraabin ah) – waa Wejiga Koowaad.
Biyo-Xireenka oo ahaa ujeeddo-badan: koronto dhalin, waraabin, badinta soo-saarka beeraha, xakamaynta webi Jubba – wuxuu shaqo billaabay 1982, asagoo waraabin jiray beero bariis, sisin iyo caleen-shaah; wuxuuna siin jiray koronto Magaalooyin ka Jilib iyo Mareereey oo Warshadda Sonkorta Jubba ku tiilay. Korontada biyo-xireenka uu dhalin jiray waxay ahayd 4.6 MW.
Mashruuca Faanoole wuxuu lahaa 3 kanaal, 2 ka mid ah ay marayso bariga webiga – dherer kooda ahaa 52 km iyo 30 km (Kanaalka Hoombooy); mid na uu marayo galbeed ka Webiga; dherer kiisuna ahaa 25 km oo loogu talo galay beeraha qasab ka ee Mareeray.
Mashruuca Biyo-xireenka faanoole waxa uu lahaa 3 kanaal. Kanaala biyo-xireenka 2 kamid ah waxay marayeen bariga webiga, dherer kooduna wuxuu kala ahaa 52km iyo 30km (kanaalka hoombooy). Halka midka 3aad uu marijirey galbeedka wabigi, dherer kiisuna ahaa 25km oo loogu tala galay beeraha qasabka ee warshadii sonkorta mareerey.