Jubaland

P.O. Box 30028 - 00100 Somalia

FAAH FAAHINTA MASHRUUCI KONTORTEE MAREEREY

pexels-fox-212324

Mashruucani waxu ka mid ahaa mashriicda ugu wax soo saarka badnaa kaas oo ku yaalay Koofurta soomaaliya warshadda lyo beeraha sonkorta.
Kani waa mashruuci warshaddaha beeraha  Qasab ah kaas oo leh waraab iyo warshada sonkorta soosaarta.
Mashruucani wuxu lahaa dhul bed ah ka kooban 25,000 higtar oo dhul ah loogu talagalay dhismaha.
Mashruucu wuxuu ku teedsanyahay webiga jubba, oo u dhow tuulo yar oo la yiraahdo mareerey, 00 160km u jirta, Waqooyigana kaga began degmada Kismaayo.
Warshada sonkorta mareerey waxay  soo saari jirtay 3,360 tan maalintii iyada oo larabay in lasii gaarsiiyo waxsoo saar dhan ilaa 5,280 tan.
warshadda wejigeedi koowaad ee wax soosaarka waxa uu ahaa 70,000 tan oo sonkor ah sanadkii.

warshadda waxaa la furay Sebtember 1980. Waxaa hawl galisay dowladii kacaanka dhamaan agabkii. ivo mashiinadii looga baahnaa mashruuca laga keenay boqortooya ingiriiska waxaana qalabka warshada laga soo dajiyay Dekeda Kismaayo.

Mashruuca sonkorta jubba wuxuu ahaa mashruucyadii ugu weynaa ee horumarinta beeraha laga bilaabay koonfurta Soomaaliya, waxaa ku baxday 200 milyan oo dolar oo ay bixiyeen dowladdaha Carabta eek ala ahaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo imaaraatka. teknolojiyada reer galbeedka ayaa dhistay warshada iyo dhamaan tasiilaadka kale. booker Agricukture industry (BAI) ayaa mashruucan ku maamuleysay magaca dowladda Soomaaliya, shirkadahaan ka socday boqortooyada Ingiriiska ayaa dhistay warshadda, magacyadooda hoos kuxusan.

  1. Mowlem international
  2. George wimpy
  3. System building services.

shirkaduhu waxa shaqaaleeyen shaqaale Somaali ah iyo Hindi.

Dhinaca kale mashruuca warshadda. Sonkorta waxaa jiray dhul loogu talagalay in lagu beero qasabka kaas oo ahaa 8,000 hektar. Waxaa kale oo jiray Kanaallo laga soo weeciyay webiga jubba, oo kasoo ku fidaayay 30km dheerar ah.

Mashruuca sonkorta Jubba wuxu ahaa mid weyn, waxa uu kamid ahaa siyaasada dowladii dhexe oo rabtay in ay shaqo abuuris loo sameeyo dadweynaha, wax soosaarka dalkana kor loo qaado.Shaqaalaha mashruuca waxay uqaybsanaayeen dhowr qaybood waxyaabihii ay qabani jireen waxay kala ahaayeen sidan:-

  1. Shaqada warshadaynta sonkorta
  2. Waraabinta dhulka uu ka lagu tacbayay qasabka
  3. Beerista  qasabka oo lagu beeri jiray dhul dhan 8000 hector oo mashruucu lahaa.
  4. Goynta qasabka marka uu bislaado shaqaalaha qeybtan ayaa ahaa kuwa kasoo goyni jiray qasabka dhul beereed dhan 8000 hector
  5. Bacriminta iyo buufinta sunta cayayaanka & Cudurada ayadoo shaqaalaha qeybtani ay ahaayen shaqaale khibrad ahaan dhisnaa kana hortagi jiray ama la dagaalami jiray cayayaanada iyo cuduradda ku dhaca qasabka.

Waxaa mashruuca  ka faaidaysatay oo shaqo abuur uu noqday ilaa 4,000 oo shaqaale ah, oo iskugu jiray ajanabi iyo muwaadinin somaaliyeed.

Mashruuca waxaa lagu qiyaasayay in uu abaahnaan doono ilaa 40,000 oo shaqaale ah oo hawlo kala duwan qabta xiliyada kala duwan ee sanadka.

Qaar kamid ah shaqaalaha  aan joogtada ahayn ee mashruuca waxaa laga keeni jiray tuulooyinka ka fog goobta.

Magaalooyinka iyo Tuulooyinka Ka Faa’idaysan jiray Mashruuca Sonkarta Jubba

  • Kismaayo
  • Jilib
  • Kamsuma
  • Mareerey
  • Guduudey
  • Hargeysa yarey
  • Kamtiirey
  • Bardhere yarey

Iyo in kale oo badan.

 

Wax soo saarka Mashruuca Sonkorta Jubba

  • Isticmaalka Gudaha
  • Dhoofinta iyada oo loo dhoofinayo wadamada deriska.
  • Bagasse oo ah waxyaalaha kasoo baxa qasabka marka lashiido oo loo isticmaali jiray warshadda.

Related News

pexels-marjhan-viñas-ramboyong-7877993
pexels-min-an-1200225
fanoole

Our Gallery

Categories

Recent News

MASHRUUCA FIDINTA BEERAHA
FAAH FAAHINTA MASHRUUCI KONTORT EE MAREEREY
BIYO-XIREENKA FAANOOLE
Desert Locust Situation in Jubaland State, Somalia