Jubaland

P.O. Box 30028 - 00100 Somalia

MASHRUUCA FIDINTA BEERAHA

pexels-digital-buggu-250646
  • Dowladii Kacaanka ka dib markii ay qaramaysay hantidii wadanka oo horey ay u hantiyeen shirkado iyo shaqsiyaad ka mid ahaa maamulkii gumeystayaasha, ayaa waxaa isla markiiba la howlgeliyay Wasaarada Beeraha iyo wakaaladaheeda kala duwan laguna howlgaliyey sidii waxsoosaarka dalka loo kobcin lahaa. Waakaaladaha Wasaarada Beeraha waxaa ay maamuli jireen barnaamijyo badan oo loogu magac daray Mashaariicda Fidinta Beeraha .
  • Dowladii hore ee soomaaliya oo si aad ah xooga usaarijirtay dhanka beeraha waxaana sitoos u istaagay markii ay dowladii burburtay oo aysan jirin id iskutaagta in ay sii wadaan kordhinta waxsoosarka beeraha.
  • Mashruuca fidinta tababarida xanaanka iyo maamulka beeraha waxaa ladhisay sanadka markuu ahaa 1980kii wuxuuna ahaa mashruuc weyn ee kusalaysan derajada koowaad waxaana uu kahirgal mashruucan kudhowaad 10-gobol iyo 57degmo  beereed oo katirsan wadankeena soomaaliya.
    • Fidinta beeraha waxaa loo adeegsaday si uu hirgalo mashruucan aqoonyahano khirad weyn uleh cilmiga beeraha iyo fidayaal gobol ,kuwo degmo ,iyo kuwo tuulo waxaa meesha kamuuqata in ay kashaqeyn jireen dadbadan oo isugjirey khubaro dhanka beeraha ah iyo dad  beeralay ah oo iskaashaday oona gacan kahelaayey wasaarada beeraha ee dowladii dhaxe ee soomaaliya .

    UJEEDOOYINKA  MAASHRUUCA FIDINTA BEERAHA:-

    1)kordhinta waxsoo-saarka beeraha.

    2) wanaajinta dalaqyada quudul daruuriga ah ee kabaxa wadanka soomaaliya.

    3)kor uqaadida xaalada dhaqaale .

    4) Balaarinta aqoonta Beeralayda iyada oo la adeegsanayo aalado iyo farsamooyin cusub ee beeraha.

    • Mashruuca fidinta beeraha waxa uu haa mashruu xeer madaxweyne sharcigiisana uu ahaa lambar 8. Soona baxay bishii December ashruuc madax banana kuna dhisnaa 1980.

     

    • Mashruuca fidinta beeraha wuxu ka mid aha mashaariicda waawaynaa ee ka jiray dal darajiisuna waxay ahayd lambarka 1aad.

     

    • Mashruuca fidinta beeraha wuxuu si rasmi ah uga bilowday dalka bishii 8aad 1980. Hasa yeeshee hawlgalkiisii rasmiga ahaa ee dhanka beeraha waxay hirgashay bilowgii 1981, halkaas oo howshiisa ku bilaabatay Xiligii Guga ee sanadkaas 1981 oo ku bilaabatay gudbinta aqoontiisa iyo farsamada beeraha looguna qorsheeyay inay ka faaidaystaan 25,000 oo qoys beeralay ah.
  • Mashruuca fidinta beeraha guud ahaa dalka oo dhan degmo ilaa tuulana ujoogayY fidiye beera layda una gudbinayay aqoonta casriga ah ee beerashada barana beeralayda sida loola dagaalamo cudurada iyo cayayaanka. Mashruuca fidinta beeraha waxay ay gaartay ilaa 57 degmo guud ahaan dalka.
  • Mashruuca fidinta beeraha wuxu ka dhisay gobolada jubooyinka, shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe, bay iyo bakool guryo iyo xafiisyo ay ku howlgali jireen fidiyeyasha beeraha oo ay halkaas bulshada uga gudbin jireen aqoonta beeraha.
  • sidoo kale waxa uu mashruuca lahaa dugsiyo ay kasoo baxaan fidiyeyaal leh aqoon sare leh oo ay markaas ugudbin jiray aqoontooda una adeegi jiray beeralayda.
  • Mashruuca fidinta beeraha wuxu ka dhisay gobolada jubooyinka, shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe, bay iyo bakool guryo iyo xafiisyo ay ku howlgali jireen fidiyeyasha beeraha oo ay halkaas bulshada uga gudbin jireen aqoonta beeraha.
  • sidoo kale waxa uu mashruucu lahaa dugsiyo ay kasoo baxaan fidiyeyaal leh aqoon sare leh oo ay markaas ugudbin jiray aqoontooda una adeegi jiray beeralayda.
  • Mashruuca fidinta beeraha waxa sidoo kale ka faa’idaystay ilaa 400 oo dhalinvaro ah oo dibada u aaday waxbarasho reerka 2aad ee jaamaca kadibna ka mid nogday fidiyeyaasha beeraha.
  • Gudsiyada fidinta beeraha waxay ku kala yaaleen afgooye, jowhar iyo janaale sido kale mashruuca fidinta beerahu wuxuu lanaa beero tijaabo ah oo markaa lagu tijaabin jiray abuurka dalagyada si loo ogaado kadibna loo sii gudbin jiray b daa si loo ogaado tayada abuurka iyo wax soo saarkiisa ka hadalo jubaland meela uu mashruuca fidinta beeraha uu kaGaar ahaan marka shaqayni jiray waxay ahay jubada hoose, jubada dhexe iyo gedo.
  • Xarunta ugu weyn mashruuca fidinta qeybta jubooyinka waxay ahayd jubada hoose degmada kismaayo tuula yoontooy oo markaas laga maamulijiray jubada hoose iyo jubada dhexe.
  • Halka gobolka gedo ay xanurta ugu weeyn ee mashruuca fidinta beeraha u ahayd degmada baardheere.

Related News

pexels-fox-212324
fanoole
pexels-marjhan-viñas-ramboyong-7877993

Our Gallery

Categories

Recent News

MASHRUUCA FIDINTA BEERAHA
FAAH FAAHINTA MASHRUUCI KONTORT EE MAREEREY
BIYO-XIREENKA FAANOOLE
Desert Locust Situation in Jubaland State, Somalia